34 kun oo ruux ayaa caalamka ugu dhimatay Cudurka Carona Virus.

Tuesday March 31, 2020 - 10:22:37 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 5.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 3 0
  • Share via Social Media

    34 kun oo ruux ayaa caalamka ugu dhimatay Cudurka Carona Virus.

    Dadkii ugu badnaa ayaa wadanka Mareykanka ugu dhintay cudurka dilaaga ah ee Carona Virus arrinkaas oo sare usii qaadaya cabsida laga qabo in caabuqan uu halaag daran ugeysto malaayiin American ah.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dadkii ugu badnaa ayaa wadanka Mareykanka ugu dhintay cudurka dilaaga ah ee Carona Virus arrinkaas oo sare usii qaadaya cabsida laga qabo in caabuqan uu halaag daran ugeysto malaayiin American ah.


Jaamacad caafimaad oo kutaal Mareykanka ayaa sheegtay in dadka udhintay Carona Virus ay kor udhaaftay sedax kun oo qof halka dadka cudurka lajiifo ay kor udhaafeen 160-kun oo ruux.

Wadanka Talyaaniga dhimashadu waxay sii caga cagaynaysaa 11-kun iyo 591 ruux, Faransiiska dhimashadu waxay gaartay sedax kun iyo boqol ruux halka dalka Spain dadka dhintay ay gaareen 7400 oo ruux.

Cudurka Carona Virus ayaa dhimashada ugu badan wuxuu ka geysanayaa wadamada reergalbeedka gaar ahaan Yurub iyo Mareykanka, warbixinnadii ugu dambeeyay waxay sheegayaan in dadka udhintay Covid19 ay kor udhaafeen 34-kun oo ruux.


Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho
[email protected]

Related Items