Taliyaha ciidamada dowladda oo isku day dil ka badbaaday.

Tuesday March 31, 2020 - 13:03:11 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 60 7
  • Share via Social Media

    Taliyaha ciidamada dowladda oo isku day dil ka badbaaday.

    Khasaara dhimasho iyo dhaawac leh ayaa ka dhashay weerar aad u xooggan oo gobolka Sh/hoose lagula beegsaday kolonyo gaadiid ah oo gelbinayay mas'uul katirsan dowladda Federaalka Soomaaliya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Khasaara dhimasho iyo dhaawac leh ayaa ka dhashay weerar aad u xooggan oo gobolka Sh/hoose lagula beegsaday kolonyo gaadiid ah oo gelbinayay mas'uul katirsan dowladda Federaalka Soomaaliya.


Wararka ka imaanaya duleedka degmada Janaale ayaa sheegaya in qarax xooggan lala eegtay gaadiid gelbinayay Odawaa Yuusuf Raage oo ku magacaaban waxa loogu yeero taliyaha ciidamada xoogga dowladda Federaalka.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in Odawaa uu si dirqi ah uga badbaaday qaraxa balse waxaa gubtay gaari Cabdi Bile ah oo ay la socdeen ilaaladiisa gaarka ah, war rasmi ah oo kasoo baxay taliska ciidanka Al Shabaab ayaa lagu xaqiijiyay in qarax lagu beegsaday taliyaha ugu sarreeya ciidanka dowladda.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho
[email protected]

Related Items