Askar iyo Saraakiil lagu dilay degmooyin katirsan magaalada Muqdisho.

Tuesday March 31, 2020 - 19:28:23 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 38 3
  • Share via Social Media

    Askar iyo Saraakiil lagu dilay degmooyin katirsan magaalada Muqdisho.

    Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar isugu jiray qaraxyo iyo dilal oo saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay xaafado katirsan magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar isugu jiray qaraxyo iyo dilal oo saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay xaafado katirsan magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.


Maanta gelinkii dambe ayay xoogag hubaysan degmada Yaaqshiid ku dileen taliyihii hore ee Laanta Suuqbacaad, ilo wareedyo ayaa sheegaya in rag hubaysan ay madaxa ka toogteen Axmed gacameey oo ahaa taliyihii hore ee ciidamada laanta Suuq Bacaad.

Qaraxyo kale oo ka kala dhacay xaafadaha Blac Sea iyo Saybinaayo ayaa khasaara lagu gaarsiiyay ciidamo katirsan booliska dowladda Federaalka Soomaaliya.

Dhinaca kale rag hubaysan oo katirsan Al Shabaab ayaa galabta deegaanka Saybiyaano ee duleedka Muqdisho ku weeraray Gaashaanlle Khaliif oo katirsanaa ciidamada dowladda, qaraxa waxaa lagu dilay askari ilaala u ahaa sarkaalka halka dhaawac uu soo gaaray askari kale.


Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho
[email protected]

Related Items