Madaxii Saadka guutada 12-ka April iyo ciidamo la socday oo ku dhintay Qarax ka dhacay degmada Hodon.

Wednesday April 01, 2020 - 12:36:36 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 63 0
  • Share via Social Media

    Madaxii Saadka guutada 12-ka April iyo ciidamo la socday oo ku dhintay Qarax ka dhacay degmada Hodon.

    Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax xooggan oo ka dhacay bartamaha magaalada Muqdisho kaasi oo lagu beegsaday askar iyo saraakiil katirsan ciidamada Melleteriga dowladda Federaalka.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

sawir hore qarax Muqdisho ka dhacay
Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax xooggan oo ka dhacay bartamaha magaalada Muqdisho kaasi oo lagu beegsaday askar iyo saraakiil katirsan ciidamada Melleteriga dowladda Federaalka.


Qaraxa oo ahaa mid jugtiisa laga maqlay inta badan xaafadaha degmada Hodon ayaa lala beegsaday gaari Cabdi bile ah oo uu watay sarkaal sare oo katirsan ciidamada melleteriga dowladda.

War rasmi ah oo kasoo baxay Xarakada Al Shabaab ayay ku sheegtay in qaraxa ay ku dishay askar fara badan waxaana dadka dhintay ku jira madaxii Saadka guutada 12-ka Apriil kaasi oo magaciisa lagusoo gaabiyay Magaroow.

Qaraxan khasaaraha badan dhaliyay ayaa ka dhacay inta udhaxaysa Tarabuunka iyo Isbitaalka Digfeer, qaraxyada iyo weerarada tooska ah ee ka dhanka ah askarta iyo saraakiisha dowladda ayaa si joogta ah uga dhaca inta badan degmooyinka gobolka Banaadir.


Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho
[email protected]

Related Items