Nuur Cadde oo u dhintay Caabuqa Carona Virus.

Wednesday April 01, 2020 - 12:11:33 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Nuur Cadde oo u dhintay Caabuqa Carona Virus.

    Magaalada London ee wadanka Ingiriiska waxaa cudurka dilaaga Carona Virus ugu geeriyooday mas'uul horay uga tirsanaa dowladda Federaalka Soomaaliya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Magaalada London ee wadanka Ingiriiska waxaa cudurka dilaaga Carona Virus ugu geeriyooday mas'uul horay uga tirsanaa dowladda Federaalka Soomaaliya.


Nuur Xasan Xuseen [Nuur Cadde] oo R/wasaare kasoo noqday DF-ka intii udhaxaysa sanadihii 2007 illaa 2009 ayaa la xaqiijiyay in uu udhintay caabuqa Carona Virus, wiil uu dhalay Nuur Cadde ayaa warbaahinta u adkeeyay geerida aabihii.

Nuur Cadde ayaa isbitaalka ladhigay 17-dii bishii Maarso ee lasoo dhaafay balse xaaladdiisa caafimad oo aad uliidatay aawgeed ayuu xalay udhintay cudurka Carona Virus kaas oo fara ba'an ku haya shucuubta reergalbeedka.


Cabdullaahi Yuusuf Axmed ayaa Nuur Cadde umagacaabay R/wasaaraha dowladda Federaalka bishii November 2007 xilligii oo magaalada Muqdisho iyo dalka intiisa badan ay gummeysi ku haysteen ciidamada Xabashida Itoobiya.

Tobanaan qof Soomaali qurba joog ah ayaa udhintay Carona Virus kuwaas oo badanaa ku sugan qaaradda Yurub gaar ahaan wadamada loo yaqaan Iskaandaneefiyaanka

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho
[email protected]

Related Items