Weerar Askar lagu dilay oo ka dhacay Jaziiradda Kudhaa.

Wednesday April 01, 2020 - 19:32:44 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 74 6
  • Share via Social Media

    Weerar Askar lagu dilay oo ka dhacay Jaziiradda Kudhaa.

    Wararka ka imaanaya Cirifka Koonfureed ee Soomaaliya ayaa sheegaya in weerar khasaara badan dhaliyay lagu beegsaday maleeshiyaad gacan saar laleh dowladda Kenya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka ka imaanaya Cirifka Koonfureed ee Soomaaliya ayaa sheegaya in weerar khasaara badan dhaliyay lagu beegsaday maleeshiyaad gacan saar laleh dowladda Kenya.

Weerar ay dagaalyahanno katirsan Al Shabaab ka fuliyeen Jaziiradda Kudhaa ee gobolka Jubbada Hoose ayaa sababay khasaara dhimasho iyo dhaawac ah oo soo gaaray maleeshiyaad daacada u ah maamulka Axmed Madoobe.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in weerarka Kudhaa ka dhacay lagu dilay 4 askari halka 5 kale ay dhaawacyo soo gaareen, wararka ayaa intaas ku daraya in xoogaga Al Shabaab ay weerarka ku qabsadeen 4 qori AK47 ah iyo saanado kale oo melleteri.

Dhinaca kale weerar gaadma ah ayaa maanta gelinkii dambe lagu qaaday ciidamada dowladda ee ku sugan deegaanka Baar Sanguuni oo dhaca duleedka Kismaayo, ugu yaraan 2 askari ayaa la xaqiijiyay in ay weerarka ku dhaawacmeen.


Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho
[email protected]

Related Items