1000 qof American ah oo maalin gudaheed udhimatay Carona Virus.

Thursday April 02, 2020 - 12:25:49 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 3 1
  • Share via Social Media

    1000 qof American ah oo maalin gudaheed udhimatay Carona Virus.

    Wararka ka imaanaya wadanka Mareykanka ayaa sheegaya in dadkii ugu badnaa ay maalin qura cudurka dilaaga Carona ugu dhinteen gudaha wadankaasi.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka ka imaanaya wadanka Mareykanka ayaa sheegaya in dadkii ugu badnaa ay maalin qura cudurka dilaaga Carona ugu dhinteen gudaha wadankaasi.


Jamaacad caafimad oo kutaal magaalada Washington ayaa sheegtay in shalay oo kaliya ay Carona udhinteen dad gaaraya 1000 qof taas oo ka dhigan dhimashadii ugu badneed oo maalin qura ladiiwaan geliyay.

Guddoomiyaha gobolka New York ayaa warbaahinta usheegay in gobolkiisa ay ka dhinteen dad gaaraya 1941 islamarkaana uu Carona soo ritay illaa 83 kun oo ruux.


Dhimashada guud ee dadka Carona ugu dhintay Mareykanka ayaa ku dhow 5000 oo ruux, Donald Trump ayaa saadaaliyay in dhimashadu ay sare usii kici doonto isbuucyada soo socda.

Mareykanka ayaa dalka ugu daran ee dadkiisu ladhibanyihiin Carona Virus, inkabadan 200-kun oo ruux ayaa la sheegay in ay lajiifaan caabuqa Covid19.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho
[email protected]

Related Items