'Boko Haram' Oo Weerar Askar badan lagu laayay ka fulisay Wadanka Nigeria.

Thursday April 02, 2020 - 13:50:18 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 5.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 2 2
  • Share via Social Media

    'Boko Haram' Oo Weerar Askar badan lagu laayay ka fulisay Wadanka Nigeria.

    Ku dhowaad 50 katirsan ciidamada xukuumadda dabadhilifka Jaad ayaa ku dhintay weerar cagmarin ah oo xoogag islaami ah ay ka fuliyeen gudaha wada Nigeria ee dhaca galbeedka qaaradda Afrika.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

waa mid kamida sawirrada dagaalkii Harakada Jaad ka dhacay
Ku dhowaad 50 katirsan ciidamada xukuumadda dabadhilifka Jaad ayaa ku dhintay weerar cagmarin ah oo xoogag islaami ah ay ka fuliyeen gudaha wada Nigeria ee dhaca galbeedka qaaradda Afrika.


Wararka ka imaanaya Nigeria ayaa sheegaya in ugu yaraan 45 askari oo katirsan melleteriga dowladda Jaad ladilay tobanaan kalane ay dhaawacmeen kadib markii weerar gaadma ah lagu qaaday saldhig melleteri.

War rasmi ah oo kasoo baxay Jamaacada Ahlu Sunna Lidawacwati Walqitaal ee uu hoggaamiyo Abuubakar Shekau ayay ku sheegatay mas'uuliyadda weerarkan aadka uballaaran.

Muuqaal Video ah oo jamaacadu ay ku faafisay baraha Ineternetka ayaa muujinayay halaag daran oo dagaalyahanada jamaacada ay ugeysanayaan ciidamada Melleteriga Jaad ee ku sugan degmada Boguma.


Filimka ay faafisay jamaacada waxay kusoo bandhigaysaa gaadiid tikiniko ah iyo bakhaaro hub ah oo ay kula wareegtay  dagaalkii Boguma, Afhayeen u hadlay melleteriga Jaad ayaa xaqiijiyay in weerarkan askar badan looga dilay.

Jamaacadan uu hoggaamiyo Sheekh Shakau oo caan ku ah magaca (Boko Haram) ayaa dagaal daba dheeraaday kula jirta melleteriga Nigeria iyo ciidamo kasoo kala jeeda wadamada Kaamiruun,Jaad iyo Niger oo dhammaantood duullaan ku jooga Nigeria.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho
[email protected]

Related Items