Dhimashada Carona ee dalka Spain oo 10 Kun gaartay iyo Talyaaniga oo lagu hoobtay.

Thursday April 02, 2020 - 20:13:16 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Dhimashada Carona ee dalka Spain oo 10 Kun gaartay iyo Talyaaniga oo lagu hoobtay.

    Cudurka Covid19 ayaa wali dhimasho saf mareen ah ka geysanaya inta badan wadamada qaaradda Yurub iyo Mareykanka illaa iyo hadda waxaa lala'yahay daawo cudurkan lagula tacaalo.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Cudurka Covid19 ayaa wali dhimasho saf mareen ah ka geysanaya inta badan wadamada qaaradda Yurub iyo Mareykanka illaa iyo hadda waxaa lala'yahay daawo cudurkan lagula tacaalo.


Wadanka Spain ayay dhimashadu gaartay 10,100 kadib markii maanta oo kaliya ay dhinteen 950 qof, wasaaradda caafimaadka dowladda Spain ayaa warbaahinta u xaqiijisay in dadka Carona udhimanaya ay sare usii kacayaan maalinba maalinta ka dambaysa.

Dhinaca kale wadanka Talyaaniga maanta oo kaliya waxaa Carona ugu dhintay 760 qof sida uu sheegay guddiga caafimaadka ee qaabilsan ka hortagga caabuqa Covid19.

Tirada guud ee dadka Talyaaniga ugu dhintay Carona waa 14 kun oo ruux taas oo ka dhigan in wadankan uu yahay dalka ugu badan ee caabuqa Carona uu dadka ku laayay, caalami ahaan dadka ladhiban Carona ayaa gaaray hal malyan oo ruux iyadoona Mareykanka uu yahay wadanka ugu daran ee dadkiisu ladhibanyihiin caabuqan halista badan.


Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho
[email protected]

Related Items