Cagjar oo shaqada ka Eryay mas'uuliyiin sar sare kuwa kalane xiray.

Thursday April 02, 2020 - 20:22:15 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Cagjar oo shaqada ka Eryay mas'uuliyiin sar sare kuwa kalane xiray.

    Khilaaf daran oo dhanka siyaasadda ah ayaa lagasoo sheegayaa dhulka Soomaaligalbeed ee kujira gummeysiga Xabashida Itoobiya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Khilaaf daran oo dhanka siyaasadda ah ayaa lagasoo sheegayaa dhulka Soomaaligalbeed ee kujira gummeysiga Xabashida Itoobiya.


Wararka ka imaanaya magaalada Jigjiga ayaa sheegaya in shaqada laga eryay mas'uuliyiin sarsare oo katirsanaa waxa loogu yeero dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya.

Mustafa Cagjar oo ah madaxweynaha maamulkaas ayaa shaqad ka eryay madaxii amniga ninka lagu magacaabo Cabdi Caadil Xasan waxaana loo magacaabay Cabdullaahi dheere oo horay u ahaa taliye ku xigeenka amniga.

Wararka ayaa intaas ku daraya in isna la eryay Ilyaas Cali Bulxan oo ahaa madaxii sirdoonka waxaana si KMG ah loogu dhiibay nin lagu magacaabo Cabdi Siigaale oo horay ulasoo shaqeeyay Cabdi Ileey.


Khilaaf bilihii lasoo dhaafay udhaxeeyay hoggaanka maamulka Jigjiga kajiray ayaa xoogeystay waxaana la eryay saraakiil sarsare oo xabashida Itoobiya uqaabilsanaa dhulka Soomaaligalbeed, Mustafa Cagjar ayaa xabsiga utaxaabay C/qaadir Sheekh Bisle oo ahaa madaxii hab maamuuska madaxtooyada Jigjiga.

Shaqa eryiddan ayaa imaanaysa xilli ay soo dhowdahay doorashada guud ee Itoobiya waxaana muuqata in Mustafa Cagjar uu qaaday tallaab uu Xabsiga Abiy Axmed ugu fududaynayo in uu codad badan ka helo dhulka Somaligalbeed ee gummeysiga Itoobiya kujira.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho
[email protected]

Related Items