Ciidamo Itoobiyaan ah oo ku hoobtay Weeraro lagula beegsaday duleedka degmada Luuq.

Saturday April 04, 2020 - 11:56:51 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 63 0
  • Share via Social Media

    Ciidamo Itoobiyaan ah oo ku hoobtay Weeraro lagula beegsaday duleedka degmada Luuq.

    Khasaara lixaad leh ayaa ciidamada Xabashida Itoobiya kasoo gaaray weeraro aad u xooganaa oo shalay lagula beegsaday deegaan katirsan gobolka Gedo ee dhaca Koonfurta Soomaaliya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Khasaara lixaad leh ayaa ciidamada Xabashida Itoobiya kasoo gaaray weeraro aad u xooganaa oo shalay lagula beegsaday deegaan katirsan gobolka Gedo ee dhaca Koonfurta Soomaaliya.


Wararka ka imaanaya duleedka degmada Luuq ayaa sheegaya in halkaas shalay ciidamada Itoobiya ay kula kulmeen weeraro isugu jiray dhabagal iyo qaraxyo lala eegtay gaadiid ay wateen askarta Xabashida.

Dagaalyahanno aad u hubaysan oo katirsan Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ayaa shalay wadada ugalay ciidamo Itoobiyaan ah oo kasoo amba baxay degmada Dooloow kunasii jeeday dhanka degmada Luuq.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in weerar ku bilaawday qaraxyo uu haleelay kolonyada Itoobiyaanka ah kadibna waxaa xigay dagaal fool ka fool ah, dadka deegaanka ayaa sheegay in ay sheedda sare ka arkayeen uuro madoow oo ka baxaysay goobta ciidanka Itoobiya lagu weeraray.


Markii uu dagaalku soo idlaaday ayay melleteriga Itoobiya hawada ka saareen dhammaan isgaarsiinta degmooyinka luuq iyo Dooloow si aan loo ogaan khasaaraha dhimasho iyo dhaawac ee kasoo gaaray dagalka.

Wararn laysla dhaxmarayo ayaa sheegaya in ciidamada gummeysiga Itoobiya ay wadada uga tageen gaadiid shalay looga gubay weerarkii aadka u xooganaa, ciidamada Amxaarada ee shalay weerarku qabsaday ayaa bishii lasoo dhaafay kasoo tallaabay xuduud beenaadkan waxayna kusii jeedaan degmooyin katirsan gobollada Gedo iyo Bay sida wararku sheegayaan.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho
[email protected]

Related Items