Wararakii ugu dambeeyay: Carona Virus oo kumanaan ku dilay Spain,Talyaaniga iyo Mareykanka.

Saturday April 04, 2020 - 20:22:33 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 1.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wararakii ugu dambeeyay: Carona Virus oo kumanaan ku dilay Spain,Talyaaniga iyo Mareykanka.

    Cudurka dilaaga Covid19 ayaa wali halaag ugeysanayan kumanaan kun qof oo ubadan reergalbeed Kirishtaan ah waxaana muuqata in illaa iyo hadda lasoo saari la'yahay daawo cudurkaan lagula tacaalo.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Cudurka dilaaga Covid19 ayaa wali halaag ugeysanayan kumanaan kun qof oo ubadan reergalbeed Kirishtaan ah waxaana muuqata in illaa iyo hadda lasoo saari la'yahay daawo cudurkaan lagula tacaalo.


Boqolaal qof ayaa la sheegay in maanta oo kaliya ay dalka Mareykanka ugu dhinteen Carona Virus halka kumanaan kale uu soo ritay, wasaaradda caafimaadka dowladda Ingiriiska ayaa sheegtay in 708 qof ay maanta Covid19 ugu dhinteen magaalooyinka waaweyn ee Ingiriiska.

Tirada guud ee dadka UK ugu dhintay Carona waa 4313 qof, dhanka wadanka Spain 24-kii saacadood ee lasoo dhaafay waxaa Covid19 udhintay 900 oo qof taas oo dhimashada guud ka dhigaysa 11,744 qof.


Wadanka Talyaaniga dhimashada ayaa gaartay 14kun oo qof kadib markii maanta ay boqolaal qof udhinteen Carona, wadanka Mareykanka dhimashadu waa 8000 oo qof, maamulayaasha Mareykanka waxay saadaaliyeen in dhimashadu gaari karto 100 kun oo ruux.

Wadamada qaaradda Yurub waa kuwa ugu daran ee dadkoodu ay ladhimanayaan caabuqa Covid19 waxaana kusoo xiga wadamada Mareykanka,Shiinaha iyo Iiraan oo kumanaan ruux uu ka dilay.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho
[email protected]

Related Items