Qarax gaari looga gubay ciidamada AMISOM oo ka dhacay Madaarka Jowhar.

Saturday April 04, 2020 - 16:36:03 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • Visits: 660
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 28 2
  • Share via Social Media

    Qarax gaari looga gubay ciidamada AMISOM oo ka dhacay Madaarka Jowhar.

    Wararka ka imaanaya gobolka Sh/dhexe ayaa sheegaya in weerar khasaara dhaliyay markale ay lakulmeen ciidamada shisheeyaha AMISOM.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka ka imaanaya gobolka Sh/dhexe ayaa sheegaya in weerar khasaara dhaliyay markale ay lakulmeen ciidamada shisheeyaha AMISOM.


Qarax xooggan ayaa maanta duhurkii gudaha garoonka diyaaradaha magaalada Jowhar lagula beegsaday gaari gaashaaman oo ay wateen ciidamada Burundi ee qeybta ka ah soo duulayaasha AMISOM.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in qaraxa uu ku burburay gaari Taaw ah waxaana dhimasho iyo dhaawac noqday dhammaan ciidamadii saarnaa.

Wararka ayaa intaas ku daraya in qaraxa kadib ay diyaarad nuuca qumaatiga ukaca ah ay garoonka soo caga dhigatay iyadoona Meydad iyo dhaawacyo u daabushay dhanka Muqdisho.


Gobolka Sh/dhexe ayaa kamid ah meelaha ugu daran ee lagu dhiig bixiyo ciidamada shisheeye gaar ahaan kuwa Burundi, bil walba silsilado qaraxyo iyo weeraro toos ah ayaa lagyla beegsadaa ciidamada shisheeye.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho
[email protected]

Related Items