Xildhibaan katirsan Maamulka Hirshabelle iyo guddoomiye deegaan oo ku dhaawacmay qarax ka dhacay Jowhar.

Saturday April 04, 2020 - 20:25:33 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 2
  • Share via Social Media

    Xildhibaan katirsan Maamulka Hirshabelle iyo guddoomiye deegaan oo ku dhaawacmay qarax ka dhacay Jowhar.

    Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax xooggan oo caawa fiidkii ka dhacay gudaha magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Sh/dhexe.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax xooggan oo caawa fiidkii ka dhacay gudaha magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Sh/dhexe.


Qaraxa oo lagu weeraray saldhigga Booliska Jowhar waxaa lala eegtay isku imaatin ay ku sugnaayeen askar iyo saraakiil katirsan maamulka isku magacaabay Hirshabelle, warar lagu kalsoonyahay ayaa sheegaya in qaraxa ay ku dhaawacmeen illaa Afar qof.

Dadka qaraxa ku dhaawacmay waxaa kamid ah xildhibaan katirsan maamulka Hirshabelle iyo guddoomiyihii deegaanka Ceelbaraf oo magaciisa lagusoo gaabiyay Abuukar.

Wararka ayaa intaas ku daraya in 2 askari oo boolis ah ay ka mid yihiin dadka dhaawacmay, Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ayaa sheegatay mas'uuliyadda weerarkan sida ay baahisay Idaacadda Andalus.


Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho
[email protected]

Related Items