Dadkii ugu badnaa oo Faransiiska maalin qura ugu dhintay Cudurka Carona

Sunday April 05, 2020 - 09:53:36 in Wararka by
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dadkii ugu badnaa oo Faransiiska maalin qura ugu dhintay Cudurka Carona

    Shalay maalin kale oo madoow ayay u aheyd dowlado badan oo reergalbeed ah Mareykankuba ha ugu badnaadee.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Shalay maalin kale oo madoow ayay u aheyd dowlado badan oo reergalbeed ah Mareykankuba ha ugu badnaadee.


Boqolaal kun qof gaala ah ayaa shalay markale udhimatay cudurka dilaaga ah ee lagu magacaabo Carona Virus.

Wadanka Mareykanka shalay waxaa ku dhintay 1,399 qof taas oo dhimashada guud ka dhigaysa 8,300 oo qof halka dad ka badan 200 kun ay la ildaranyihiin cudurkaan halista badan.

Wasaaradda caafimaadka Faransiiska ayaa iyana xaqiijisay in shalay dadkii ugu badnaa ay mar uqura udhinteen Carona Virus, dad gaaraya 1053 qof ayaa daafaha kala duwan ee Faransiiska ugu dhintay Caabuqa Covid19.


Dowladda Spain waxay xaqiijisay in shalay ay ka dhinteen 900 oo ruux taas oo wadarta guud ee dadka Carona udhintay ka dhigaysa 11,744 qof halka Tayaaniga ay dhimashadu kor udhaaftay 15 kun oo ruux.

Madaxweynaha Mareykanka Trump oo lahadlay warbaahinta ayaa sheegay in baahida ugu daran ee dadkisu qabaan ay tahay maryahan sanka iyo afka looga xirto Carona.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho
[email protected]

Related Items