Weeraro Xooggan oo lagu qaaday Saldhigyo ku yaalla Shabeellaha Hoose iyo Jubbooyinka.

Sunday April 05, 2020 - 11:32:59 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 1
  • Share via Social Media

    Weeraro Xooggan oo lagu qaaday Saldhigyo ku yaalla Shabeellaha Hoose iyo Jubbooyinka.

    Habeenkii xalay ciidamada Xarakada Al-Shabaab waxay weerar culus ku qaadeen saldhigyada iyo difaacyada ciidamada Shisheeyaha iyo kuwa Dowladda federaalka ee degmada Awdheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Habeenkii xalay ciidamada Xarakada Al-Shabaab waxay weerar culus ku qaadeen saldhigyada iyo difaacyada ciidamada Shisheeyaha iyo kuwa Dowladda federaalka ee degmada Awdheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose.



Dagaalka waxa uu ahaa mid aad u culus, la iskuna adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan, waxayna ciidamada Mujaahidiinta ka dagaallameen afaafka hore ee goobaha ay weerarka ku qaadeen.

Qeylada ciidamada Shisheeyaha iyo kuwa Dowladda federaalka ayaa aad loo maqlayay, taasi oo muujineysa in khasaare uu gaaray, sidoo kalena lagu kediyay weerarka.

Dhanka kale, aroornimadii hore ee saaka waxay ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab weerar culus ku qaadeen saldhiga ciidamada maamulka Jubbaland ee deegaanka Singaleer oo u dhexeeya Buula guduud iyo Baar Sanguuni.



Ciidamada Mujaahidiinta waxaa u suuragashey in gebi ahaanba ay saldhiga la wareegaan, ciidankii maamulka Jubbaland ay eryaan, iyagoo sidoo kale gacanta ku dhigay saanado hub ah.

Khasaare isuga jira dhimasho iyo dhaawac ayaa la rumeysanyahay inuu gaaray ciidamada Jubbaland, hase yeeshe lama helin faafaahin rasmi ah.

Ciidamada Mujaahidiinta ayaa ku daba jira firxadka askarta maamulka Jubbaland.

Xigasho: Radio Alfurqaan

Related Items