Al Shabaab oo sheegatay Mas'uuliyadda qarax ka dhacay Gaalkacyo.

Sunday April 05, 2020 - 16:31:51 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 12 0
  • Share via Social Media

    Al Shabaab oo sheegatay Mas'uuliyadda qarax ka dhacay Gaalkacyo.

    Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax xooggan oo maanta ka dhacay magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug bartamaha dalka Soomaaliya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax xooggan oo maanta ka dhacay magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug bartamaha dalka Soomaaliya.


Qaraxa oo maanta duhurkii ka dhacay waqooyiga Gaalkacyo ayaa lagu beegsaday mas'uul katirsanaa wasaaradda maaliyadda maamulka isku magacaabo Puntland.

War rasmi ah oo kasoo baxay Xarakada Al Shabaab ayay sheegatay weerarkan oo sababay dhaawac culus oo gaaray sarkaal katirsanaa waaxdka Canshuuraha ee hoos tagta wasaaradda maaliyadda maamulka Saciid Deni.

"Mujaahidiinta ayaa waqooyiga magaalada Gaalkacyo ku qarxiyay sarkaal katirsan maamulka Ashahaadda ladirirka Puntland kaasi oo lagu magacaabo Korneel Cabdi Xasan Jaamac oo ku magac dheer Cabdi Gube waxaana soo gaaray dhaawac culus" ayaa lagu yiri warka kasoo baxay Al Shabaab.


Sarkaalkan qaraxa lagu beegsaday ayaa madax ka ahaan waaxda Canshuuraha qeybta Bari ee gobolka Mudug.

Al Shabaab ayaa Afartii bilood ee lasoo dhaafay silsilado weeraro ah oo khasaara badan lagu gaarsiiyay xubno katirsan maamulka Puntland waxay ka geysatay magaalooyin ay kamid yihiin Boosaaso,Gaalkacyo iyo Garoowe.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho
[email protected]

Related Items