Ciidamo Itoobiyaan ah oo markale qaraxyo lagula beegsaday duleedka degmada Luuq.

Sunday April 05, 2020 - 16:41:59 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 1.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 53 1
  • Share via Social Media

    Ciidamo Itoobiyaan ah oo markale qaraxyo lagula beegsaday duleedka degmada Luuq.

    Wararka nagasoo gaaraya gobolka Gedo waxay sheegayaan in laba qarax oo waaweyn lala beegsaday kolonyo ciidamo Itoobiyaan ah oo marayay duleedka degmada Luuq ee gobolka Gedo.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

sawir hore gaadiid laga gubay ciidanka Itoobiya
Wararka nagasoo gaaraya gobolka Gedo waxay sheegayaan in laba qarax oo waaweyn lala beegsaday kolonyo ciidamo Itoobiyaan ah oo marayay duleedka degmada Luuq ee gobolka Gedo.


Qaraxyadan ayaa waxaa laga helayaa warar horudhac ah oo sheegaya in khasaare dhimasho iyo mid dhaawac la gaarsiiyay Xabashida kuwaas oo jimcihii lasoo dhaafay ay weeraro xooggan ku qabsadeen isla wadada ay hadda ku safarayaan.

Dadka degaanadaas ayaa sheegaya in ay maqleen jugta laba qarax oo waaweyn oo is xigxigay sidoo kalana meelo fog ay ka arkayeen uuro madow inkastoo aanan wali si rasmi ah loo ogaan cadaadka rasmiga ah ee khasaaraha gaaray ciidamada Itoobiya.


Ciidamada Xabashida ayaa qeyb ka ah shisheeyaha kusoo duulay dalka Soomaaliya xilli ay la gaar yihiin cadaawad guun ah oo kala dhaxaysa ummada Soomaaliyeed ee Muslimka ah.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho
[email protected]

Related Items