R/wasaarihii hore ee Liibiya oo udhintay Cudurka Carona Virus.

Sunday April 05, 2020 - 15:02:37 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    R/wasaarihii hore ee Liibiya oo udhintay Cudurka Carona Virus.

    Waxaa magaalada Al Qaahira ee caasimadda wadanka Masar cudurka Carona Virus ugu geeriyooday siyaasi caan ka ahaa wadanka Liibiya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxaa magaalada Al Qaahira ee caasimadda wadanka Masar cudurka Carona Virus ugu geeriyooday siyaasi caan ka ahaa wadanka Liibiya.


Wasaaradda caafimaadka Masar ayaa sheegtay in uu geeriyooday Maxamuud Jibriil oo horay usoo noqday R/wasaaraha Liibiya markii ay dhacday dowladdii Al Qadaafi, saraakiil caafimaad ayaa sheegay in Maxamuud Jibriil uu aad u xanuunsanaa maalmihii lasoo dhaafay.

27 March ayaa ladhigay isbitaalka guud ee magaalada Qaahira kadib markii laga helay caabuqa Covid19 ee caanka ku ah magaca Carona Virus, Maxmuud Jibriil ayaa ka sheeganayay wadnaha iyo Sambabaha sida ay sheegeen dhaqaatiirtiisa gaarka ah.


Siyaasigan dhintay ayaa ahaa calmaani xiriir dhow lalahaa dowladaha Masar iyo Imaaraatka Carabta wuxuuna kamid ahaa siyaasiyiin dhowr ah oo dowladaha Carbeed ee ku lugta leh dagaalka Liibiya ay damacsanaayeen in ay xilal uga dhiibaan nidaamka Khaliifa Xaftar.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho
[email protected]

Related Items