Toban kun qof American ah oo u dhintay cudurka Carona Virus.

Monday April 06, 2020 - 08:09:30 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Toban kun qof American ah oo u dhintay cudurka Carona Virus.

    Si maalin leh ayuu cudurka Covid19 kumanaan kun oo qof ugu dilayaa wadanka Mareykanka oo kamid ah dowladaha dhaca waqooyiga qaaradda America.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Si maalin leh ayuu cudurka Covid19 kumanaan kun oo qof ugu dilayaa wadanka Mareykanka oo kamid ah dowladaha dhaca waqooyiga qaaradda America.


Shalay oo kaliya waxaa gobollada kala duwan ee Mareykanka lagasoo calaamadeeyay dhimashada 1200 oo qof sida ay sheegtay jaamacad caafimaad oo uxilsaaran ka hadalka khasaaraha ka dhashay cudurka Carona.

dad gaaraya 32,000 oo ruux American ah ayuu shalay kaliya asiibay Carona Virus, saraakiisha caafimaadka waxay sheegayaan in dhimashada guud ee Covid19 uu ka geystay Mareykanka ay gaartay 10,000 oo qof.

Madaxda Mareykanka waxay dadka Americanka ah u sheegeen in isbuucyada soo socda ay noqon doonaan maalmo dhib badan lagana yaabo in dad badan ay udhinteen Carona marka loo eego sida cudurkani uu ku fidayo.


Waa maalintii sedaxaad oo dadka Americanka ah ay kun kun udhimanayaan, jimcihii lasoo dhaafay ayaa aheyd maalintii ugu dhimashada badneed waxaana maalin qura halaagsamay 1480 qof badankoodna waxay ku dhinteen magaalad New York.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho
[email protected]

Related Items