Weeraro 8 Askari lagu dilay oo ka dhacay Koonfurta Soomaaliya.

Monday April 06, 2020 - 08:51:50 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 25 1
  • Share via Social Media

    Weeraro 8 Askari lagu dilay oo ka dhacay Koonfurta Soomaaliya.

    Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weeraro khasaara dhaliyay oo saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay deegaanno katirsan gobollada Jubbada Hoose iyo Sh/Hoose.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weeraro khasaara dhaliyay oo saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay deegaanno katirsan gobollada Jubbada Hoose iyo Sh/Hoose.


Weerar xalay ka dhacay gudaha degmada Janaale ayaa sababay dhimashada ugu yaraan 4 askari oo katirsan ciidamada dowladda gaar ahaan kuwa lagu tababaray saldhigga Turkiga ee magaalada Muqdisho.

Dhinaca kale weeraro saf mareen ah oo ka dhacay deegaanno katitsan Jubbada Hoose ayaa sababay dhimasho iyo dhaawac gaaray maleeshiyaadka maamulka Axmed Madoobe, weerka koowaad oo ka dhacay Jaziiradda Kudhaa waxaa lagu dilay 2 sarkaal oo la shaqeynayay ciidamada Kenya.


Weerar kale oo ka dhacay deegaanka Baar Sanguuni ee dhaca duleedka Kismaayo waxaa ku dhintay hal askari iyadoona askari kale uu dhaawac soo gaaray, dhammaan weeraradan waxaa fuliyay ciidamada Xarakada Al Shabaab.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho
[email protected]

Related Items