Carona Virus oo haleelay boqolaal kamid ah ciidamada Faransiiska.

Monday April 06, 2020 - 11:04:58 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 3
  • Share via Social Media

    Carona Virus oo haleelay boqolaal kamid ah ciidamada Faransiiska.

    Cudurka dilaaga ah ee Covid19 ayaa si aad ah ugu dhax faafay ciidamada dowladda Faransiiska taas oo ka dhigan in halaagga gaaraya Faransiiska uu waji cusub galay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Cudurka dilaaga ah ee Covid19 ayaa si aad ah ugu dhax faafay ciidamada dowladda Faransiiska taas oo ka dhigan in halaagga gaaraya Faransiiska uu waji cusub galay.


Warbaahinta Faransiiska waxay sheegtay in 600 oo kamid ah melleteriga iyo Booliska wadankaasi laga helay Virus-ka Carona, ciidamada uu cudurku haleelay qaarkood ayaa ka howlgelayay mandiqadda Saaxilka qaaradda Afrika.

Dhinaca kale dhimashada ka dhalatay Carona ee gudaha Faransiiska ayaa sare ukacday, wasaaradda caafimaadka xukumadda Paris ayaa sheegtay in shalay ay dhinteen 357 qof.

Dhimashada guud ee Covid19 uu ka geystay Faransiiska ayaa gaartay 8,100 qof, R/wasaaraha Faransiiska ayaa dadkiisa u sheegay in maalmaha ugu horreeya bisha April ay noqon doonaan maalmo musiibo ah.


Sedaxda dowladeed ee ugu dhimasha badan qaaradda Yurub ayaa kala ah Talyaaniga,Spain iyo Faransiiska waxaana kaalinta afaraad ku jirta dowladda Ingiriiska oo dadka ka dhintay ay shan kun ku dhowyihiin.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho
[email protected]

Related Items