Sedax qof Shacab ah oo ku dhintay duqeyn ay diyaaradaha Mareykanka ka geysteen degmada Jilib.

Monday April 06, 2020 - 19:38:09 in Wararka by
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 7
  • Share via Social Media

    Sedax qof Shacab ah oo ku dhintay duqeyn ay diyaaradaha Mareykanka ka geysteen degmada Jilib.

    Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya duqeymo bahalnimo oo diyaaradaha aan duuliyaha laheyn ee dowladda Mareykanka ay maanta ka geysteen gobolka Jubbada dhexe ee dhaca Koonfurta Soomaaliya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya duqeymo bahalnimo oo diyaaradaha aan duuliyaha laheyn ee dowladda Mareykanka ay maanta ka geysteen gobolka Jubbada dhexe ee dhaca Koonfurta Soomaaliya.


Maanta duhurkii ay diyaaradaha Mareykanka sedax gantaal ku dhufteen mid kamida xaafadaha magaalada Jilib waxaana duqeyntaas ka dhashay khasaara dhimasho iyo dhaawac ah oo soo gaaray dad shacab ah.

Dadka duqeynta ku dhintay oo ahaa sedax qof laba kamid ah waxay ahaayeen rag halka qofka sedaxaad ay aheyd haweeneed da'ah.

Wariye ku sugan Jubbooyinka ayaa soo sheegay in duqeynta uu dhaawac kasoo gaaray wiil Afar sana jir ah kaas oo xaaladdiisa caafimaad lagu baxnaaninayo isbitaalka guud ee degmada Jilib.


Dadka duqeynta ku dhintay ayaa kala ahaa Max'med Cabdi Cusmaan Kheyroow oo ahaa dullaal dhulalka kala wareejiya,Goosaar Shalle Maadeey oo ahaa beeraleey, sidoo kale haweenay 70 sana ah oo lagu magacaabo iyo Xaajiyo Muuse Macoow ayaa udhimatay naxdin ay ka qaadday jugta gantaalladii ay ridayeen diyaaradaha Mareykanka.

Dowladda Mareykanka ayaa marwalba oo ay dad shacab ah ku disho Koonfurta Soomaaliya waxay dadkaas ku sheegtaa in ay katirsanyihiin wax ay ugu yeertay Argagaxisada Al Shabaab.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho
[email protected]

Related Items