Dagaal ay ku hoobteen ciidamo Xabashi ah oo dib uga qarxay gobolka Gedo.

Tuesday April 07, 2020 - 09:58:00 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 5.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Dagaal ay ku hoobteen ciidamo Xabashi ah oo dib uga qarxay gobolka Gedo.

    Habqanka ciidamda Xabashida Itoobiya ayaa wali isdaba yaal wadada xiriirisa degmooyinka Dooloow iyo Luuq ee gobolka Gedo Koonfurta dalka Soomaaliya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Habqanka ciidamda Xabashida Itoobiya ayaa wali isdaba yaal wadada xiriirisa degmooyinka Dooloow iyo Luuq ee gobolka Gedo Koonfurta dalka Soomaaliya.


Ciidamadan oo khamiistii lasoo dhaafay kasoo dhaqaaqay degmada Dooloow ayaa wadada ku wajahaya weeraro dhabbagal ah iyo qaraxyo uga imaanaya dagaalyahanada Xarakada Shabaabul Mujaahidiin.

Wararka ka imaanaya gobolka Gedo ayaa sheegaya in shalay gelinkii dambe ay markale dagaallo culus ka dhaceen inta udhaxaysa Luuq Ganaane iyo Dooloow, sida wararku sheegayaan dhowr qarax ayaa lala helay kolonyada ciidamada Itoobiyaanka ah kadibna waxaa xigay dagaal fool ka fool ah oo labada dhinac dhaxmaray.


Dagaalyahannada Al Shabaab ayaa la sheegay in ay garneello iyo qoryaha Baasuukaha la eeganayeen gaadiidka ciidamada Itoobiya intii uu dagaalku socday, ilo wareedyo ayaa sheegaya in dagaalkii shalay galab billaawday uu soo gaaray xalay fiidkii.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in laysku habeensaday islamarkaana xalay lamaqlayay madaafiic ay ciidamada Itoobiya ku ridayeen dhulka Miyiga ah, habqanka Xabashida ayaa si gaabis ah ku socda waxayna utaak la'yihiin weerarada daran iyo qaraxyada uga imaanaya Al Shabaab.

Ciidamadan hujuumka kala kulmaya xoogaga Jihaadiga ah ayaa bishii Maarso ee lasoo dhaafay xuduud beenaadka kasoo gudbay waxayna kusii jeedaan degmada Luuq balse lama oga halka ay ugasii gudbi doonaan.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho
[email protected]

Related Items