R/Wasaaraha Ingiriiska oo ladhigay qolka dadka Carona la ildaran.

Tuesday April 07, 2020 - 09:56:23 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    R/Wasaaraha Ingiriiska oo ladhigay qolka dadka Carona la ildaran.

    Waxaa laga dayrinayaa xaaladda caafimaad ee R/wasaaraha dowladda Ingiriiska ninka lagu magacaabo Boris Johnson kaasi oo la ildaran caabuqa halista ah ee Carona Virus.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxaa laga dayrinayaa xaaladda caafimaad ee R/wasaaraha dowladda Ingiriiska ninka lagu magacaabo Boris Johnson kaasi oo la ildaran caabuqa halista ah ee Carona Virus.


War rasmi ah oo kasoo baxay xukuumadda London ayaa lagu sheegay in R/wasaaraha oo xaalad culus kujira ladhigay Isbitaalka daryeelka degdegga ah taas oo ka dhigan in uu ku suganyahay xaalada adag oo dhanka caafimaadka ah.

Boris Johnson ayaa la sheegay in lagu xiray qalabka gacan ku sameyska ah ee lagu neefsado, dhaqaatiirtiisa gaarka ah waxay sheegeen in Sambabuhu ay aad uxanuunayaan, wasiirka arrimaha dibadda Ingiriiska Dominic Raab ayaa loo xilsaaray in uu sii wado shaqada xukuumadda.


Warka kasoo baxay dowladda Ingiriiska ayaa walaac looga muujiyay xaaladda uu ku suganyahay Johnson oo haddii uu udhinto xanuunka yahay noqon doona mas'uulkii ugu sarreeya ee caalamka ugu dhinta Carona Virus.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho
[email protected]

Related Items