Carona Virus oo laba qof Itoobiyaan ah ku dilay magaalada Addis Ababa.

Tuesday April 07, 2020 - 11:58:40 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Carona Virus oo laba qof Itoobiyaan ah ku dilay magaalada Addis Ababa.

    Wararka ka imaanaya wadanka Itoobiya ayaa sheegaya in markii ugu horraysay ay dad Itoobiyaan ah udhinteen cudurka dilaaga Carona Virus.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka ka imaanaya wadanka Itoobiya ayaa sheegaya in markii ugu horraysay ay dad Itoobiyaan ah udhinteen cudurka dilaaga Carona Virus.


Dowladda Itoobiya ayaa iclaamisay in ay diiwaan gelisay laba qof dhimasho ah iyo 59 qof oo uu soo ritay Covid19, wasaaradda caafimaadka ayaa sheegtay in haweenay 60 sana jir ah ay shalay udhimatay Carona Virus.

Haweenaydan ayaa isbuucii hore ladhigay qeybta xaaladaha adag ee isbitaalka magaalada Addis Ababa kadib markii iyadoo xanuunsan ay ka timid Faransiiska.

Goor sii horraysay waxaa cudurka Carona ugeeriyooday nin Itoobiyaan 56 sana jir ah kaasi oo ahaa muwaadin aan dibadda ka imaan waxayna tani ka dhigantahay in kiisaskii ugu horreeyay ee dhimasha ah laga helay Itoobiya oo ah dal dhaca bariga Afrika.


Dhinaca kale machadka caafimaadka Itoobiya ayaa sheegay in shalay oo kaliya ay diiwaan geliyeen 5 ruux oo qaba caabuqa Carona Virus taas oo tirada guud dadka xanuunkan labuko ka dhigaysa 59 qof.

Abiy Axmed oo ah R/wasaaraha dowladda Xabashida Itoobiya ayaa usheegay Axzaabta siyaasadda wadanka dib loo dhigay doorashooyinkii guud tan bisha Augst 2020 sababa laxiriira caabuqa Covid19 ee wadanka kusii baahaya.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho
[email protected]

Related Items