Dab khasaara hantiyadeed dhaliyay oo ka kacay degmada Hodon.

Tuesday April 07, 2020 - 20:03:46 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dab khasaara hantiyadeed dhaliyay oo ka kacay degmada Hodon.

    Dab xooggan ayaa ka kacay dhisme ganacsi oo kuyaal degmada Hodon ee bartamaha magaalada Muqdisho.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dab xooggan ayaa ka kacay dhisme ganacsi oo kuyaal degmada Hodon ee bartamaha magaalada Muqdisho.


Goob joogayaal ayaa sheegay in dabku uu ka kacay meel ku dhow isgoyska KM4 gaar ahaan dacalka wadada aadda garoonka diyaaradaha caalamiga magaalada Muqdisho, gaadiidka dab damiska ayaa gaaray goobta dhibaatadu ka dhacday.

Khasaara hantiyadeed ayaa la sheegay in uu ka dhashay dabka ka kacay goob garaash ah waxaana gubtay xarumo ganacsi oo kaabiga ku hayay garaashka, inta badan dabka ka kaca goobaha ganacsiga gobolka Banaadir ayaa ka dhasha Koronto khaldantay.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho
[email protected]

Related Items