1939 qof oo Saacado gudahooda Mareykanka ugu dhimatay Carona Virus.

Tuesday April 07, 2020 - 20:08:25 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 2
  • Share via Social Media

    1939 qof oo Saacado gudahooda Mareykanka ugu dhimatay Carona Virus.

    Cudurka dilaaga ah ee Carona Virus ayaa wali gummaad xooggan ka wada gudaha wadanka Mareykanka waxaana maanta markale lasoo calaamadeeyay dhimashada dad ku dhow 1500 oo ruux.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Cudurka dilaaga ah ee Carona Virus ayaa wali gummaad xooggan ka wada gudaha wadanka Mareykanka waxaana maanta markale lasoo calaamadeeyay dhimashada dad ku dhow 1500 oo ruux.


Warbixin hordhac ah ayaa sheegaysa in maanta kaliya ay Carona udhinteen 1939 qof American islamarkaana uu soo ritay dad ka badan 19 kun oo ruux, saraakiisha caafimaadka waxay sheegayaan in boqolaal qof ay ku dhinteen gobollada New York iyo Washington.

Dhimashada guud ee Carona uu ka geystay wadanka Mareykanka ayaa ku dhow 12 Kun oo ruux halka dadka uu soo ritay ay ka badanyihiin 370 ruux sida ay sheegayaan ilaha caafimaadka Mareykanka.


Donald Trump ayaa shir jaraa'id ku sheegay in muwaadiniintiisu ay wajahayaan xaalad halis ah wuxuuna ugu baaqay shirkadaha waaweyn ee dalka Mareykanka in ay sare uqaadaan wax soo saarka qalabka caafimaadka ee lagu yareeyo faafidda Carona Virus.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho
[email protected]

Related Items