Ciidamo katirsan dowladda oo Dhakhtar caan ah ku dilay degmada Yaaqshiid.

Wednesday April 08, 2020 - 10:24:34 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ciidamo katirsan dowladda oo Dhakhtar caan ah ku dilay degmada Yaaqshiid.

    Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxay fal dil ah oo ka dhacay degmada Yaaqshiid ee magaalada Muqdisho.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

sawir hore askari rasaas huwinaya gaari ambalaas ah
Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxay fal dil ah oo ka dhacay degmada Yaaqshiid ee magaalada Muqdisho.


Wararka ka imaanaya xaafadda Suuq Bacaad ayaa sheegaya in ciidamo katirsan dowladda Federaalka balse qaab beeleed u abaabulan ay toogasho ku dileen dhakhtar caan ah oo carruurta iyo haweenka daweyn jiray.

Goob joogayaal ayaa warbaahinta u sheegay in askari ku labisan dareenka ciidanka melleteriga dowlada uu dilay Dr.Xasan Xaayoow oo ahaa dhaqtar Isbitaal haweenka iyo carruurta lagu daweeyo ku leh degmada Yaaqshiid.

Askartii dilka geysatay ayaa ubaxsaday dhanka xaafadda Afarta Darjiino ee isla degmada Yaaqshiid, falkan wuxuushnimada leh ee ciidamada dowladda ay ugeysteen Dr Xasan waxaa cambaareeyay dadka deegaanka oo sheegay in dhakhtarku uu ahaa mid aan waxba galabsan oo adeegyo muhiim ah u hayay bulshada.


Maleeshiyaadka dowladda Federaalka ayaa marwalba qabaa'illada Soomaaliyeed ka dhax huriya colaad aan dhammaad laheyn, deegaan walba oo gacanta dowladda iyo AMISOM kujira waxaa lagasoo sheegayaa dagaallo qaab beeleed ku dhisan oo lagu dilayo dadka indhaha u ah bulshada.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho
[email protected]

Related Items