Wararka ka imaanaya gobolka Sh/dhexe ayaa sheegaya in qaraxyo xooggan lala beegsaday ciidamo katirsan Ururka Midowga Afrika.
Saaka aroortii hore ayaa deegaanka Gololeey ee duleedka degmada Balcad laga maqlay jugta qaraxyo is xigxigay xilli ay halkaas ku socdaalayeen ciidamada soo duulayaasha AMISOM gaar ahaan kuwa Burundi.
Ilo wareedyo ayaa sheegaya in qaraxa lala helay ciidamada xilli ay wadada laamiga ah ku lugaynayeen, dadka deegaanka ayaa sheegay in uu jiro khasaara dhimasho iyo dhaawac ah oo ciidamada gaaray, rasaas ayaa laga maqlay goobta qaraxyadu ka dhaceen.
Xarakada Al Shabaab ayaa sheegatay mas'uuliyadda qaraxyada lala beegsaday ciidamada Burundi, wadada xiriirisa degmooyinka Balcad iyo Jowhar waxaa si joogta ah uga dhaca weerarada ka dhanka ah ciidamada AMISOM.
Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho
[email protected]
Ciidamo Burundays ah oo qaraxyo lagula beegsaday Sh/dhexe.
Wararka ka imaanaya gobolka Sh/dhexe ayaa sheegaya in qaraxyo xooggan lala beegsaday ciidamo katirsan Ururka Midowga Afrika.