Wararkii Ugu dambeeyay: Carona Virus oo wali halaag ka geysanaya wadamada Yurub iyo Mareykanka.

Wednesday April 08, 2020 - 11:21:58 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 1
  • Share via Social Media

    Wararkii Ugu dambeeyay: Carona Virus oo wali halaag ka geysanaya wadamada Yurub iyo Mareykanka.

    Cudurka dilaaga ah ee Covid19 ayaa wali sii wada gummaadka uu ka geysanayo wadamada reergalbeedka gaar ahaan Yurub iyo America.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Cudurka dilaaga ah ee Covid19 ayaa wali sii wada gummaadka uu ka geysanayo wadamada reergalbeedka gaar ahaan Yurub iyo America.


Shalay wadamada Faransiiska iyo Mareykanka waxay u aheyd maalmihii ugu dhimashada badnaa, Mareykanka shalay waxaa Carona ugu dhintay dad ka badan 2000 oo qof, jamaacad caafimaad oo kutaal magaalada Washington ay sheegtay in dhimashadu aheyd 2000 halka uu soo ritay dad gaaraya 30,000 oo ruux.

Dadka Carona uu ku dilay Mareykanka waxay dhaaftay 12.800 oo qof, madaxda Mareykank waxay saadaalinayaan in dadka caabuqa Carona udhimanaya ay ka badan karaan 100 kun oo ruux.


Faransiiska shalay waxaa Carona udhintay dad gaaraya 1417 oo qof, dadkaas badankood waxay ku dhinteen xarun lagu xanaaneeyo dadka waayeellada ah oo kutaal magaalada caasimadda ah ee Paris.

Wadanka Talyaaniga shalay waxaa Carona udhintay 604 qof halka uu soo ritay dad ka badan sedax kun oo ruux,isku gayn dadka Talyaaniga ugu dhintay Caabuqa Carona waa 17,127 qof.

Dhanka wadanka Spain wuxuu noqday dalka labaad ee ugu dhimashada badan caalamka marka laga hadlayo Carona Virus, wasaaradda caafimadda xukuumadda Madriid ayaa shalay iclaamisay in dadka Carona udhintay ay gaareen 13,798 qof waxaana laga cabsi qabaa in dhimashadu sare usii kacdo sababa laxiriira bukaanada oo xaaladooda caafimaad ay aad uliidato.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho
[email protected]



Related Items