Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax khasaara badan dhaliyay oo markale deegaan katirsan gobolka Sh/hoose lagula beegsaday ciidamo katirsan dowladda Federaalka Soomaaliya.
Qarax maanta duhurkii ka dhacay inta udhaxaysa degmada Janaale iyo deegaanka Buufoow ayaa sababay dhimashada ugu yaraan 5 askari.
Ilo wareedyo ayaa sheegaya in qaraxu uu haleelay ciidamo ku lugaynayay deegaan lagu magacaabo Cadceed, maleeshiyaadka dowladda ee dowladaha shisheeye soo tababareen ayaa weeraro isdaba joog ah lakulmayay tan iyo markii ay qeyb ka noqdeen duullaankii ay ciidamada huwanta ah ku qabsadeen degmada Janaale bishii lasoo dhaaay.
Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho
[email protected]
Ciidamo katirsan dowladda oo ku dhintay weerar ka dhacay Sh/Hoose.
Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax khasaara badan dhaliyay oo markale deegaan katirsan gobolka Sh/hoose lagula beegsaday ciidamo katirsan dowladda Federaalka Soomaaliya.