Qaraxyo 2 gaari lagu gubay oo ka dhacay deegaanka Gololeey Sh/dhexe.

Wednesday April 08, 2020 - 17:05:04 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 1
  • Share via Social Media

    Qaraxyo 2 gaari lagu gubay oo ka dhacay deegaanka Gololeey Sh/dhexe.

    Silsilado qaraxyo ah ayaa markale ciidamada shisheeyaha AMISOM lagula beegsaday deegaan katirsan gobolka Sh/dhexe.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Silsilado qaraxyo ah ayaa markale ciidamada shisheeyaha AMISOM lagula beegsaday deegaan katirsan gobolka Sh/dhexe.


Wararka ka imaanaya duleedka waqooyi ee magaalada Balcad ayaa sheegaya in qaraxyo hor leh maanta ciidamada Burundi lagula eegtay waxaana jira khasaara lixaad leh oo ka dhashay qaraxyada.

illaa laba qarax ayaa la sheegay in maanta duhurkii ciidamada Burundi lagula beegsaday meel aan sidaas uga fogeyn deegaanka Gololeey oo qiyaastii 7Km dhanka waqooyi uga beegan degmada Balcad.

Sida wararku sheegayaan qaraxyada waxaa lagu gubay laba gaari oo mid kamida uu ahaa gaari xamuul ah halka midka kale uu ahaa gaari gaashaaman nuuca loo yaqaan Taawga, dadka deegaanka ayaa sheegay in qaraxyada kadib ay maqleen rasaas xooggan.


Maanta oo kaliya ayaa Afar qarax lagu weeraray ciidamada Burundi ee ku sugan Sh/dhexe saaka aroortii hore ayay aheyd markii ciidamo ku lugaynayay duleedka Balcad laba qarax lagu beegsaday, illaa iyo hadda wax war ah kamasoo bixin taliska ciidamada Burundi oo ku saabsan qaraxyadii maanta.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho
[email protected]

Related Items