Saraakiil Itoobiyaan ah oo lagu dilay weerar ka dhacay gobolka Baay

Thursday April 09, 2020 - 11:39:42 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Saraakiil Itoobiyaan ah oo lagu dilay weerar ka dhacay gobolka Baay

    Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weeraro aad uxooganaa oo saacadihii lasoo dhaafay ciidamo katirsan melleteriga Itoobiya lagula beegsaday deegaanno katirsan gobolka Bay ee dhaca Koonfurta Soomaaliya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weeraro aad uxooganaa oo saacadihii lasoo dhaafay ciidamo katirsan melleteriga Itoobiya lagula beegsaday deegaanno katirsan gobolka Bay ee dhaca Koonfurta Soomaaliya.


Shalay gelinkii dambe ayay xoogaga Al Shabaab weeraro isugu jiray jidgal iyo qaraxyo ku beegsadeen kolonyo ciidamo Xabashi ah oo ka amba baxay degmada Baydhabo kunsii jeeday dhanka Bardaale.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in illaa 5 qarax lagu beegsaday ciidamada Xabashida xilli ay ku socdaalayeen inta udhaxaysa Awdiinle iyo Baydhabo, warar lagu kalsoonyahay waxay sheegayaan in mid kamida qaraxyada lagu dilay 2 sarkaal Miina baarayaal Itoobiyaan ah.


Taliska ciidanka Al Shabaab ayaa xaqiijiyay dhimashada saraakiisha Xabashida, waxaa sidoo kale weerarka lagu dilay askari katirsanaa maamulka Koonfur Galbeed oo dal aqoon u ahaa Xabashida.

Ciidamadan lagu weeraray Awdiinlle ayaa shalay gelinkii hore ka baxay Baydhabo waxayna kusii jeedaan dhanka deegaanka Yurkut si ay usoo gelbiyaan kolonyo ciidamo Itoobiyaan ah oo maalmahaan habqankoodu isdaba yiillay Dooloow illaa iyo Luuq.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho
[email protected]

Related Items