Mareykanka oo kaalinta labaad ka galay dhimashada ugu badan ee Carona uu ka geystay caalamka.

Thursday April 09, 2020 - 12:29:15 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 3.8/5 Stars) Total Votes: 6
  • 6 0
  • Share via Social Media

    Mareykanka oo kaalinta labaad ka galay dhimashada ugu badan ee Carona uu ka geystay caalamka.

    Caabuqa dilaaga ah ee Carona Virus ayaa wali gummaad ka wada inta badan wadamada reergalbeedka gaar ahaan Yurub iyo America.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Caabuqa dilaaga ah ee Carona Virus ayaa wali gummaad ka wada inta badan wadamada reergalbeedka gaar ahaan Yurub iyo America.


Maalinti sedaxaad oo xiriir ah ayuu Covid19 kumanaan kun oo qof ku dilayaa gudaha wadanka Mareykanka halka uu soo ridanayo sodomeeyo kun oo ruux, saraakiil caafimaad ayaa sheegay in shalay oo kaliya uu cudurkani dilay 1973 qof American ah halka uu soo ritay 43 kun oo ruux.

Tirada guud ee dadka Carona ugu dhintay Mareykanka waxay gaartay 14695 qof taas oo ka dhigan in Mareykanku uu kaalinta labaad ugu jira liiska wadamada ugu dhimashada badan Carona wuxuuna kaalinta kala wareegay Spain oo dadka ka dhintay ay gaareen 14555 qof.


Dalka Talyaaniga ayaa wali kujira kaalinta 1aad  waxayna dhimashada Carona gaartay 17669 qof, guud ahaan dadka caalamka ugu dhintay Carona Virus waxay ka gudbeen 87 kun oo ruux halka 1.7 Bilyan oo qof ay ladhibanyihiin.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho
[email protected]

Related Items