Weerar AMISOM gaari looga gubay oo ka dhacay duleedka Muqdisho.

Thursday April 09, 2020 - 15:35:22 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Weerar AMISOM gaari looga gubay oo ka dhacay duleedka Muqdisho.

    Wararka ka imaanaya duleedka waqooyi ee magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in qaraxyo xooggan halkaas lagula eegtay ciidamo katirsan Ururka Midowga Afrika.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka ka imaanaya duleedka waqooyi ee magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in qaraxyo xooggan halkaas lagula eegtay ciidamo katirsan Ururka Midowga Afrika.


Maanta barqadii ayaa kolonyo katirsan ciidamada AMISOM gaar ahaan kuwa Burundi qaraxyo is xigxigay lagula beegsaday wadada xiriirisa degmada Balcad iyo magaalada caasimadda ah ee Muqdisho,

Warar hordhac ah waxay sheegayaan in gaari gaashaaman oo nuuciisu yahay Taaw lagu gubay mid kamida labada qarax ee lala helay ciidamada Burundi, waxaa dhimasho iyo dhaawac noqday dhammaan ciidamadii la socday gaariga gubtay.


Ciidamada Burundi ee maanta lagu qarxiyay inta udhaxaysa Muqdisho iyo Balcad ayaa shalay dhowr jeer weeraro lagula eegtay deegaanka Gololeey ee Sh/dhexe, marka la eego goobaha weeraradu ay ka dhacayaan oo kaabiga ku haya degmada Huriwaa e Muqdisho waxay muujinaysaa fashilka AMISOM ka heysta Soomaaliya oo ay duullaan ku joogaan muddo 13 sanadood ah.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho
[email protected]

Related Items