Daawo Video: Guddoomiyaha gobolka Banaadir oo sheegay in dad badan ay cudurka Carona ugu dhinteen Muqdisho.

Thursday April 09, 2020 - 15:43:40 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 3.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Daawo Video: Guddoomiyaha gobolka Banaadir oo sheegay in dad badan ay cudurka Carona ugu dhinteen Muqdisho.

    Maamulka dowladda Federaalka Soomaaliya uqaabilsan gobolka Banaadir ayaa maanta soo saaray digniin culus oo ku socda shacabka magaalada Muqdisho kuna aaddan cudurka Carona Virus.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maamulka dowladda Federaalka Soomaaliya uqaabilsan gobolka Banaadir ayaa maanta soo saaray digniin culus oo ku socda shacabka magaalada Muqdisho kuna aaddan cudurka Carona Virus.


Cumar Finish oo ah guddoomiyaha gobolka Banaadir iyo duqa Muqdisho ayaa shir jaraa'id ku faah faahiyay saameynta uu Carona ku yeeshay Soomaaliya gaar ahaan caasimadda.

Wuxuu sheegay in cudurku uu Muqdisho dad badan ku laayay walina uu soo ridanayo dad hor leh sida uu hadalka u dhigay "dad badan oo aan anigu aqaan ayuu Carona dilay qaarkoodna wali lama aasin dad kalane waa hayaa" ayuu yiri Cumar Finish.


Digniintan ayaa imaanaysa xilli shalay qofkii ugu horreyay uu Carona ugu dhintay magaalada Muqdisho waxaana jirta cabsi ah in caabuqa Covid19 uu bulshada ku dhax faafo, dhaqaatiirta Soomaaliyeed ayaa bulshada ugu baaqay in ay feejignaadaan.

Hoos ka Daawo digniinta kasoo yeertay Cumar Finish


Related Items