Dagaal 10 askari lagu dilay oo ka dhacay deegaanka Baar Sanguuni.

Thursday April 09, 2020 - 19:24:09 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 59 6
  • Share via Social Media

    Dagaal 10 askari lagu dilay oo ka dhacay deegaanka Baar Sanguuni.

    Tafaasiil dheeraad ah ayaa kasoo baxaysa dagaal culus oo markale dib uga qarxay deegaannada dhanka waqooyi uga beegan magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Tafaasiil dheeraad ah ayaa kasoo baxaysa dagaal culus oo markale dib uga qarxay deegaannada dhanka waqooyi uga beegan magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.


Dagaal culus ayaa maanta barqadii ka qarxay deegaanka Baar Sanguuni oo qiyaastii 40Km ujira magaalada Kismaayo, ilo wareedyo ayaa sheegaya in weerar dhabagal ah uu markii dambe isku bedelay dagaal culus oo dhaliyay khasaara lixaad leh.

Ilo wareedyo ayaa xaqiijinaya in dagaalka lagu dilay 10 askari oo ah kuwii Mareykanku tababaray, askarta ladilay waxaa kamid ah saraakiil ciidan, xoogaga Al Shabaab ayaa la sheegay in ay hub iyo saanado ka furteen ciidamadii lagu dilay Baarn Sanguuni.


Dadka deegaanka ayaa sheegay in ay maqlayeen hugunka madaafiicda laysku dhaafsanayay dagaalkii maanta, ma ahan markii ugu horraysay oo ay dagaallo khasaara dhaliyay ka dahcaan duleedka Kismaayo.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho
[email protected]

Related Items