Mareykanka oo duqeyn ku dilay Suldaankii Beesha Jareerweyne ee Jubbooyinka.

Friday April 10, 2020 - 16:43:04 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 97 5
  • Share via Social Media

    Mareykanka oo duqeyn ku dilay Suldaankii Beesha Jareerweyne ee Jubbooyinka.

    Wararka ka imaanaya gobolka Jubbada hoose ayaa sheegaya in duqeyn cusub oo diyaaradaha Mareykanka ay geysteen lagu dilay mid kamida Odayaasha dhaqanka beelaha Soomaaliyeed oo caan ka ahaa Jubbooyinka.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka ka imaanaya gobolka Jubbada hoose ayaa sheegaya in duqeyn cusub oo diyaaradaha Mareykanka ay geysteen lagu dilay mid kamida Odayaasha dhaqanka beelaha Soomaaliyeed oo caan ka ahaa Jubbooyinka.


Duqeyn maanta barqadii ka dhacday duleedka degmada Kambsuuma waxaa lagu dilay Suldaan Cabaas Max'med Xaaji oo ahaa suldaanka guud ee Beesha Jareer weyne ee degta gobollada Jubbooyinka.

Wariye ku sugan Jubbooyinka ayaa SomaliMeMo khadka taleefanka ugu sheegay in diyaarad Drone ah ay duqeyn ku beegsatay Moota dhug dhugleey uu saarnaa Suldaan Cabaas oo caan ka dhax ahaa dhaqanka gobollada Jubbooyinka.



Allaha unaxariistee Suldaan Cabaas ayaa caan ku ahaa ugurmashada shacabka danyarta ah ee ku dhaqan Jubbooyinka kuwaas oo ku saamoobay fatahaadaha wabiga Jubba iyo musiibooyinka kale sida Abaaraha.

Dowladda Mareykanka ayaa caan ku ah in ay Koonfurta iyo bartmaha Soomaaliya ku xasuuqdo dadka shacabka ah kadibna ay ku sheegto in ay ahaayeen Argagaxiso Al Shabaab ah!, beegsiga dadka indhaha u ah bulshada sida odayaasha dhaqanka iyo salaadiinta ahaa ay fal dambiyeed soo jireen ah oo Mareykanku uu geysanayo.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho
[email protected]



Related Items