Halaagii ugu darnaa oo maalin qura ka dhacay wadanka Mareykanka.

Saturday April 11, 2020 - 11:51:54 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Halaagii ugu darnaa oo maalin qura ka dhacay wadanka Mareykanka.

    Markale shalay dowladda Mareykanka waxay u aheyd maalin madoow kadib markii kumanaan ruux oo American ah ay udhinteen cudurka dilaaga ah ee Carona Virus.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Markale shalay dowladda Mareykanka waxay u aheyd maalin madoow kadib markii kumanaan ruux oo American ah ay udhinteen cudurka dilaaga ah ee Carona Virus.


War rasmi ah oo aksoo baxay guddiga Mareykanka uqaabilsan ka hortagga Carona Virus ayaa lagu sheegay in shalay oo kaliya caabuqa Covid19 udhinteen 20108 qof American ah taas oo ka dhigan tiradii ugu badneed ee maalin qura Carona ku dilo caalamka.

Tirada dadka labumo Carona ee gudaha Mareykanka waxay kor udhaaftay Nus Malyuun qof, waxaa lasaadaalinayaa in dhimashada maalinlaha ah ee dadka Americanka ah ay sare ukacdo marka loo eego dadka cudurkan laliita.


Mareykanka wuxuu qarka usaaranyahay in uu noqdo dalka ugu dhimashada badan caalamka Carona wuxuuna gaaray 18,586 qof, halka dalka Talyaaniga uu marayo 18,849 qof.

Waaxda caafimaadka Mareykanka ayaa walaac ka muujinaysa faafitaanka cudurkan ee bulshada dhaxdeeda, wadamada Spain iyo Faransiiska ayaa iyana kamid ah wadamada ugu dhimashada badan caalamka ee Carona Virus.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho
[email protected]

Related Items