Sawirro: Suldaankii Beesha Jareer weyne ee lagu dilay Duqeynta Mareykanka oo aas loo sameeyay.

Saturday April 11, 2020 - 13:21:07 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 5
  • Share via Social Media

    Sawirro: Suldaankii Beesha Jareer weyne ee lagu dilay Duqeynta Mareykanka oo aas loo sameeyay.

    Allaah ha u naxariisto waxaa la aasay Suldaankii beesha Jareerweyne ee gobalada Jubbooyinka kaasi oo shalay duqeyn ay ku dileen diyaaradaha Drone-ka ee dowladda Mareykanka.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Allaah ha u naxariisto waxaa la aasay Suldaankii beesha Jareerweyne ee gobalada Jubbooyinka kaasi oo shalay duqeyn ay ku dileen diyaaradaha Drone-ka ee dowladda Mareykanka.


Aaska Suldaan Cabaas Muxamed Xaaji waxaa kasoo qeyb galay dadweyne aad u fara badan kuwaasi oo si weyn uga carooday duqeynta diyaaradaha Mareykanka ay ku dileen Suldaanka Jareer weyne.

Qeybaha kala duwan ee beesha Jareer weyne ee Jubbooyinka oo ku sugnaa goobtii lagu aasay Suldaan Cabaas ayaa si kulul udhaleeceeyay fal dambiyeedkan lagu dilay suldaankoodi waxayna dalbadeen in loo aargudo.

Beesha Jareerweyne waxay sheegtay in beegsiga salaadiinta dhaqanka Soomaaliyeed ay tahay fal dambiyeed uu Mareykanku ka geysanayo gobollada dalka isagoo ku marmarsiyoonaya ladagaallanka Al Shabaab.



Suldaanka ay diyaaradaha Mareykanka duqeynta ku dileen ayaa ahaa suldaan caan ku ahaa taakuleynta dadka Masaakiinta ah ee aan waxbo heysan iyo kuwa ay saameeyaan Fatahaadaha Wabiga Jubbo ee dhexmara gobollada Jubbooyinka.










Related Items