Xoogag Jihaadi ah oo 2 askari ku dilay galbeedka Muqdisho.

Sunday April 12, 2020 - 11:15:27 in Wararka by
  • (Rating 5.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 2 3
  • Share via Social Media

    Xoogag Jihaadi ah oo 2 askari ku dilay galbeedka Muqdisho.

    Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar hubaysan oo saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay deegaan kaabiga ku haya magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar hubaysan oo saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay deegaan kaabiga ku haya magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.



Rag hubeysan oo katirsan Xarakada  Al-Shabaab ayaa deegaanka Tareedisho ee duleedka magaalada Muqdisho waxay ka fuliyeen howlgal gaar ah oo ay ku beegsadeen askar katirsan Ciidamada Dowladda Federaalka.

Xoogaga weerarka qaaday  ayaa toogtay labo askari oo katirsan ciidamada Dowladda kadibna waxay ka qaateen 2 qori AK47 ah ay oo wateen ciidamada ladilay sida ay baahisay Idaacadda Andalus ee Afka Xarakada ku hadasha.

Dilalka qorshaysan ee lagu beegsado askarta iyo saraakiisha dowladda ayaa joogta ka ah inta badan degmooyinka gobolka Banaadir iyo deegaannada dhanka galbeed uga beegan magaalada Muqdisho.



Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho
[email protected]

Related Items