Dowladda oo ku dhawaaqday in Bandow habeenimo lagusoo rogi doono Muqdisho.

Monday April 13, 2020 - 09:07:43 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dowladda oo ku dhawaaqday in Bandow habeenimo lagusoo rogi doono Muqdisho.

    Dowladda Federaalka ayaa ku dhawaaqday in bandaw lagusoo rogo doono dhammaan degmooyinka gobolka Banaadir laga bilaabo 15-ka bisha April si looga hotago faafidda cudurka Carona Virus.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dowladda Federaalka ayaa ku dhawaaqday in bandaw lagusoo rogo doono dhammaan degmooyinka gobolka Banaadir laga bilaabo 15-ka bisha April si looga hotago faafidda cudurka Carona Virus.


Jeneraal Cabdi Xasan Maxamed (Xajaar) oo ah taliyaha booliska dowladda Farmaajo ayaa sheegay in Bandowgu uu bilaaban doono Arbacada soo socota, wuxuu sheegay in laga bilaabo saacado marka ay tahay 8:00 fiidnimo illaa 5:00 aroornimo ay magaalada Muqdisho bandow ahaan doonto.

Ciidamada kala duwan ee DF-ka ayaa lafaray in ay dhaqan geliyaan bandowga ayna xiraan dhammaan waddooyinka iyo xaafadaha magaalada caasimadda ah, lama oga in bandawgan uu saameyn doono Hoteellada iyo goobaha ay ku caweeyeen saraakiisha dowladda ee ku teedsan wadada Makka Al Mukarrama.


Tallaabadan ayaa imaanaysa xilli Xildhibaan katirsan maamulka Hirshabelle uu shalay cudurka Carona Virus ugu dhintay gudaha magaalada Muqdisho.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho
[email protected]

Related Items