Ciidamada Xukuumadda Alwifaaq oo dagaal kula wareegay magaalooyin katirsan dalka Liibiya.

Monday April 13, 2020 - 19:34:07 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ciidamada Xukuumadda Alwifaaq oo dagaal kula wareegay magaalooyin katirsan dalka Liibiya.

    Dagaallo culus ayaa markale dib uga qarxay wadanka Liibiya ee dhaca waqooyiga qaaradda Afrika.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dagaallo culus ayaa markale dib uga qarxay wadanka Liibiya ee dhaca waqooyiga qaaradda Afrika.

Wararka ka imaanaya Liibiya ayaa sheegaya in ciidamada xukuumadda Alwifaaq ay lawareegeen gacan ku haynta magaalooyin dhowr ah oo ay horay gacanta ugu hayeen maleeshiyaad daacad u ah dagaal ooge Khaliifa Xaftar.

Magaalooyin ay kamid yihiin Sabraatah,Sarmaan iyo Alcujeylaat oo dhammaantood dhanka Koonfureed uga beegan magaalada caasimadda ah ee Daraabulus.

Mas'uul u hadlay xukuumadda Alwifaaq ayaa wakaaladaha wararka u sheegay in ciidamadoodu ay maamulayaan dhammaan magaalooyinka kaabiga ku haya xuduud beenaadka uu dalka Liibiya lawadaago dalka Tuunis.


Sidoo kale maleeshiyadka Khaliifa Xaftar ayaa lagasoo riday 3 diyaaradood oo ah nuuca aan duuliyaha laheyn ee Drone-ka loo yaqaan xilli ay dul heehaabayeen hawada magaalada Daraabulis.

Isbedelladan dhanka dagaalka ah ee lagasoo calaamadeeyay wadanka Liibiya ayaa imaanaya xilli ay burburtay xabad joojintii ay garwadeenka ka aheyd Q.Midoobay ee dhinacyadu ay horay ugu kala saxiixdeen wadanka Jarmalka.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho
[email protected]

Related Items