Sawirro: Al Shabaab oo soo bandhigtay Meydadka Askar katirsan maamulka 'Jubbaland'.

Monday April 13, 2020 - 19:40:02 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 8
  • Share via Social Media

    Sawirro: Al Shabaab oo soo bandhigtay Meydadka Askar katirsan maamulka 'Jubbaland'.

    Fagaare kuyaal degmada Jamaame ee gobolka Jubbada hoose ayaa lagusoo bandhigay meydadka ciidamo katirsanaa maamulka Axmed Madoobe oo lagu dilay dagaal dhowaan ka dhacay duleedka magaalada Kismaayo.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Fagaare kuyaal degmada Jamaame ee gobolka Jubbada hoose ayaa lagusoo bandhigay meydadka ciidamo katirsanaa maamulka Axmed Madoobe oo lagu dilay dagaal dhowaan ka dhacay duleedka magaalada Kismaayo.

Weerar gaadma ah oo ay xoogaga Al Shabaab ku beegsadeen maleeshiyaad Mareykanku tababaray oo ku sugnaa deegaanka Baar Sanguuni ayaa sababay dhimashada 12 askari.

Ciidamada Al Shabaab ayaa gacanta ku dhigay meydadka 5 askari iyo hubkii ay wateen, maamulka islaamiga degmada Jamaame ayaa goob fagaare ah kusoo bandhigay meydadka askarta, saraakiil ka hadlay munaasabaddii bandhigga ayaa sheegay in khasaara lixaad leh dhabarka loo saariyay maleeshiyaadka lagu tababaray saldhigga Mareykanka ee Kismaayo.


Ilo wareedyo ayaa sheegaya in meydadka askar iyo saraakiil kale oo lagu dilay dagaalkii deegaanka Baarka ka dhacay lageeyay deegaanka Buulo Gaduud iyo magaalada Kismaayo.

HOOS KA DAAWO SAWIRRADA.






Related Items