Farmaajo oo xiray Wariye Cabdi Casiis Gurbiye.

Tuesday April 14, 2020 - 19:28:23 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Farmaajo oo xiray Wariye Cabdi Casiis Gurbiye.

    Ciidamo si gaar ah u taabacsan madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa xiray mid kamida wariyaasha ugu caansan warbaahinta Soomaalida kaasi oo ka howlgelayay xarun idaacadeed oo Muqdisho kutaal.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ciidamo si gaar ah u taabacsan madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa xiray mid kamida wariyaasha ugu caansan warbaahinta Soomaalida kaasi oo ka howlgelayay xarun idaacadeed oo Muqdisho kutaal.


Cabdi Caziiz Gurbiye oo ahaa agaasime ku xigeenkii warbaahinta Goobjoog ayaa xabsiga ladhigay sabab aan illaa iyo hadda la shaacin, Agaasimaha Goobjoog Media Group Xasan Maxamed Maxamuud ayaa xaqiijiyay xariga Cabdi Caziiz Gurbiye.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in Wariye Gurbiye uu shalay diyaariyay warbixin uu kusoo bandhigay dayacaadda baahsan ee kajirta Isbitaalka Martiini oo ah halka lagu karaantiilo bukaanada qaba Carona Virus.


Gurbiye ayaa warbixintiisa ku sheegay in qalabka Oksijiinka ee loogu talagalay dadka qaba xanuunka Carona ay leexsatay madaxtooyada Villa Somalia, maamulka Goobjoog ayaa sheegay in tallaabada lagu xiray wariyaha ay meel dhac ku tahay wax ay ugu yeertay Xuriyatul qowlka.

Tan iyo markii ay DF-ka majaraha uqabteen Farmaajo iyo Kheyre ayay wariyaasha ka howlgala magaalada Muqdisho waxay lakulmayeen cadaadis iyo bahdil lagu cuuryaaminayo shaqadooda saxaafadeed.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho
[email protected]

Related Items