Cudurka Carona oo halis ku haya dadka ku nool Afar kamid ah dowladaha reergalbeedka [Warbixin].

Tuesday April 14, 2020 - 19:32:02 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Cudurka Carona oo halis ku haya dadka ku nool Afar kamid ah dowladaha reergalbeedka [Warbixin].

    Kumanaan kun oo qof American ah ayaa markale uhalaagsamay cudurka dilaaga ah ee lagu magacaabo Carona Virus kaasi oo faraba ba'an ku haya dadka ku dhaqan wadamada reergalbeedka.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kumanaan kun oo qof American ah ayaa markale uhalaagsamay cudurka dilaaga ah ee lagu magacaabo Carona Virus kaasi oo faraba ba'an ku haya dadka ku dhaqan wadamada reergalbeedka.


Wararka ka imaanaya magaalada New York ayaa sheegaya in maanta oo kaliya ay dhinteen dad gaaraya 778 qof, xaakimka New York wuxuu sheegay in tirada guud ee Carona ugu dhimatay gobolkiisa ay gaarayaan 10834 qof.

Guddiga loo xilsaaray xakameynta Carona ee dalka Mareykanka ayaa sheegay in tirada guud ee dhimasahda ay gaartay 25,700 oo ruux taas oo ka dhigan in Mareykanku uu yahay dalka ugu dhimashada badan Carona.

Kaalinta 2aad waxaa kujira dalka Talyaaniga oo dhimashadu gaartay 20,465 qof, kaalinta sedaxaad waxaa kujirta Spain oo dhimashadu ay tahay 18,56 halka kaalinta Afaraad uu kujiro Faransiisku oo dhimashadu tahay 14.967 qof.


Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho
[email protected]

Related Items