Al Shabaab oo weerar askar Kenyaan ah lagu dilay ka fulisay gobolka Wajeer.

Tuesday April 14, 2020 - 19:36:50 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 2 0
  • Share via Social Media

    Al Shabaab oo weerar askar Kenyaan ah lagu dilay ka fulisay gobolka Wajeer.

    Weerar hubaysan oo markale ka dhacay gobolka Soomaalida NFD ee Kenya gumeysato ayaa khasaara lagu gaarsiiyay ciidamo katirsan xukuumadda Nairobi.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Weerar hubaysan oo markale ka dhacay gobolka Soomaalida NFD ee Kenya gumeysato ayaa khasaara lagu gaarsiiyay ciidamo katirsan xukuumadda Nairobi.


War rasmi ah oo kasoo baxay Xarakada Al Shabaab ayaa lagu sheegay in weerar qorshaysan oo ka dhacay gobolka Wajeer ee NFD lagu dilay ugu yaraan 6 askari islamarkaana tira kale lagu dhaawacay.

"Mujaahidiinta ayaa howlgal ay ka fuliyeen gobolka Wajeer waxay ku dileen 6 askari oo katirsan dowladda saliibiyadda Kenya waxayna soo qaniimeysteen 5 qori" ayaa lagu yiri warka kaso baxay Al Shabaab.

illaa iyo hadda wax war ah kamasoo bixin dowladda Kenya oo ku aaddan weerarkan khasaaraha dhaliyay ee ka dhacay gobolka Wajeer.


Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho
[email protected]

Related Items