Saldhigyada AMISOM ee degmooyinka Qoryooleey iyo Baraawe oo Weeraro lagu miray.

Wednesday April 15, 2020 - 11:14:34 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 7 0
  • Share via Social Media

    Saldhigyada AMISOM ee degmooyinka Qoryooleey iyo Baraawe oo Weeraro lagu miray.

    Xoogag aad uhubeysan oo katirsan Al Shabaab ayaa xalay weeraro ku miray saldhigyo dhowr ah oo ciidamada shisheeye ay ku leeyihiin degmooyin katirsan Sh/hoose.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xoogag aad uhubeysan oo katirsan Al Shabaab ayaa xalay weeraro ku miray saldhigyo dhowr ah oo ciidamada shisheeye ay ku leeyihiin degmooyin katirsan Sh/hoose.


Wararka ka imaanaya degmada Qoryooleey ayaa sheegaya in dagaalyahannada Al Shabaab ay xalay weerareen saldhigyo ay ku sugnaayeen ciidamada AMISOM iyo maleeshiyaadka dowladda, dagaal culus ayaa saqdii dhexe ka dhacay gudaha iyo daafaha magaalada.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in waddooyinka Qoryooleey lagu arkayay xoogaga Al Shabaab oo Takbiirsanaya kadib markii ay u itaal sheegteen maleeshiyaadkii dowladda, sidoo kale dagaal culus ayuu lakulmay saldhigga ciidamada Uganda ay banaanka magaalada ku leeyihiin.


Dhinaca kale weeraro culus ayaa lagu qaaday saldhigyada ciidamada AMISOM ay ku leeyihiin magaalada xeebeedka Baraawe, ilo wareedyo ayaa sheegaya in dagaal muddo socday uu xalay saqdii dhexe ka dhacay illaa iyo saldhig oo ay ciidamada Uganda ku suganyihiin.

illaa iyo hadda lama oga khasaaraha dhimasho iyo dhaawac ee ka dhashay weeraradii cuslaa ee xalay ka dhacay deegaanno katirsan Sh/hoose.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho
[email protected]

Related Items