Trump oo ku dhawaaqay in uu jaray lacagihii ay siin jireen hay'adda WHO.

Wednesday April 15, 2020 - 11:59:36 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 1.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Trump oo ku dhawaaqay in uu jaray lacagihii ay siin jireen hay'adda WHO.

    Hoggaamiyaha dowladda Mareykanka ayaa ku dhawaaqay in uu jaray dhammaan wixii xiriir ahaa ee dowladdiisa kala dhaxeeyay hay'adda caafimaadka adduunka ee marka magaceeda loosoo gaabiyo loo yaqaan WHO.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hoggaamiyaha dowladda Mareykanka ayaa ku dhawaaqay in uu jaray dhammaan wixii xiriir ahaa ee dowladdiisa kala dhaxeeyay hay'adda caafimaadka adduunka ee marka magaceeda loosoo gaabiyo loo yaqaan WHO.


Donald Trump oo shir jaraa'id ku qabtay magaalada Washington ayaa sheegay in Mareykanku uu joojiyay dhammaan qarashaadkii sanadlaha ahaa ee uu ku tabaruci jiray hay'adda WHO, Mareykanka ayaa hay'addan ku eedaynaya musuq maasuq in ay gabtay shaqada loo xilsaartay.

Trump wuxuu ku eedeeyay madaxda WHO in ay caalamka ka qariyeen khatarka cudurka dilaaga ah ee Carona Virus, wuxuu amar kusiiyay dhammaan mu'asasaadka dowladda Mareykanka in aysan wax macaamil maaliyadeed ah layeelan karin hay'adda WHO.


Mareykanka oo labaatameeyo kun oo qof uga dhinteen Carona Virus ayaa ka carooday in madaxda WHO aysan wax macluumaad ah kasiin in cudurkan halista ah kusoo wajahanyahay dalka Mareykanka.

Mareykanka ayaa sanad walba lacag dhan 400 oo milyan oo dollar siin jiray hay'adda caafimaadka uqaabilsan Q.Midoobay, Antonio Guterres oo ah xoghayaha guud ee UN-ka ayaa cambaareeyay tallaabada Trump uu ku joojiyay dhaqaalihii uu siin jiray hay'adda WHO.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho
[email protected]

Related Items